........ ......... FAQs
.





Riix halkan

Media Pack

 

Waxaanu idiin haynaa adeegyo kala duwan oo xayeysiis.
Fadlan buuxi foomkan, waxaad naga helaysaa  jawaaab deg-deg ah

Fadlan waxaad la soo xidhiidhaa xafiiska  xayeysiinta si aad u hesho faafaahin dheeraad ah oo ku saabsan habka suuqgeynta iyo suurta- gelinta barnaamiyada

 

 

 

 

 



 

Hordhac

Yoolka Telefishanka Caalamiga ah ee RAAD.,waxaa weeye  inuusoo tebiyo warar sugan oo dhexdhexaad ah, isla markaana uu daboolo baahida warbaahineed iyo wacyigelintiisa bahweynta ku hadasha afka Soomaaliga

Telefishanka Calamiga ah ee RAAD  wuxu soo bandhigayaa hab saxaafadeed firfircoon oo ay hagayaan hormuudada warbaahinta soomaaliyeed iyaga oo adeegsanaya farsamo casri ah, waxaana laga daawan doonna telifishanka iyo shabakada internetka.

Telefishanka Caalamiga ah ee  RAAD ujeedooyinkiisa ugu waaweyn waxaa kamid ah maabaadi’da xoriyada hadalka, dood wadaaga, daryeelka iyo u heelanaanta xuquuqda insaanka oo ah mabaa’diida uu aaminsan yahay Telelifishankii.

Telefishanka Caalamiga ah ee RAAD waxaa uu  aad ugu wayn danaha dadweynaha waxaana uu ka soo horjeedaa falalka aan habooneyn ee loogu daneeyo cid gaar ah  oo ay sameeyaan qaar ka mid ah hay’adaha waaweyn ee warbaahainta, kuwaas oo u  muuqda inay maamulaan ururinta iyo sii deynta dhacdooyinka jira iyo wargelinta dadweynaha .

Telefishanka RAAD waxa uu fursad u siinayaa daawadeyaasha sida ugu haboon ee suurtogal ah ,annagoo gaadhsiineyna heerka ugu sareeya ee noocyada  barnaamijyo samaynta, kuwaas oo buuxin doona baahida iyo filashada daawadeyaashayada .

Telefishanku waxa uu isu keeney shaqaale leh waayo aragnimo sare oo u heellan, himmad badan iyo rabitaanna u haya in RAAD telefishan ay ka dhigaan warbaahin cusub oo lagu hirto.

Telefishanka RAAD waxa uu keeni doonaa wararka ugu dambeeyey ee gudaha iyo debedaba.

Xarunta Telifishanka iyo Maamulkooduba waxay noqon doonaan Magaaladda London ee dalka Britain wuxuuna soo baahin doonaa barnaamijyo ay ka mid yihiin Wararka shanta qaaradood ee dunida iyo dhacdooyinka joogtada ah, sidoo kale waxaa uu idiinla diyaar yahay Teleefishinku Madadaalo.

Sida na loo daawanayo

Telefishinka caalamiga ah ee RAAD waxaa loogu tala galay in uu dunida oo dhan gaadhsiiyo barnamijyadiisa sida wayn looga fikiray, taasina waxa ay siinaysaa dadka wax xayeysiista meel iyo fursad ay la xidhiidhaan.

Farsamada RAAD TV oo ay hogamiso farsamada calamiga ah ee TV- yada oo weliba
Lagu sii qurxiyey khubaro iyo dad aqoon dheer u leh wax soo saarka ayaa fursad kuu siinaya xaqa ay dadka dhegeystayaashu u leeyhihin inay helaan kor u qaadidda habka suuq gaynta iyo suurtagelinta barnaamiyada.

 

Adeegyo tayo leh oo loo diyaariyey
Daawadayaashayada  ku nool dunida dacaladeeda

 

Iyada oo xaslan doonta siyaabaha kala duwan ee aad wax ugu daawan kartaan RAADTV, oo isha ku haya malaayiinta qof ee Somalida ah ee aduunyada ku nool, si gaar ahna u eegi doona Afrika. Waxa suurtagelin doonaa in aan soo jidano ilaa 70% dawadayaasha. RAAD TV wax uu ka dheregsan yahay farsamada casriga ah ee horumarinta xaga TV- yada Sidaas awgeed, daawadayaashayada aduunyada dacaladeeda ku nool waxaanu u qoondaynay farsamada ugu heerka sareysa dunida maanta.

Tayada barnaamijka

Iyadoo ay soo badanayaan  tirada TV- yadu ayaa RAAD TV waxa barmamijyadiisa telifishanka iyo shabakada  internetkaba ku soo bandhigi doonaa barnaamijyo tayaysan oo soo jiita daawadayaashayada, isla markaana waxaanu daawadayaashada u ogolaanaynaa in ay soo gudbiyaan fikirkooda iyo aragtiyadooda kala duwan. RAADTV waxaa uu soo dhawaynayaa dhamaan bulshada Soomaaliyeed

RAAD TV INTERNATIONAL  waxaa kuugu talogaley barnaamiyo xiiso leh, oo xusuus aan go’in ku reebi doona maskaxdiina.

Ganacsatada danaynaysa in ay kobciyaan korna u qaadaan ganacsigooda iyo suuqyada ay naawilayaan. Dhinca kale Hay’adaha kala duwan waxaanu ugu bushaaraynayaan in aanu si sahlan u gaadhsiin doono himiladooda.

.